Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 4, 2018
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka sagaal iyo tobnaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Xamar Jajab Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxaana ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay Xamar Jajab, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Kaxda ay isaga hartay tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labaatanaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Kismaayo Vs Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

 

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo sheegay inuu dib u habeyn ku sameyn doono hanaanka Garsoorka

Next Post

Maleeshiyada Shabaab oo qasaare ka soo garay dagaal ka dhacay Gedo

Next Post
Maleeshiyada Shabaab oo qasaare ka soo garay dagaal ka dhacay Gedo

Maleeshiyada Shabaab oo qasaare ka soo garay dagaal ka dhacay Gedo

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyey doorka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyey doorka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

June 19, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa xalay casho sharaf ugu sameysay Muqdisho Guddiga Madaxa-bannaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In