Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Kuxigeenka dalka oo cadeeyay in ka-hortagga Musiibooyinka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kuxigeenka dalka oo cadeeyay in ka-hortagga Musiibooyinka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula wareegayeen wasiirka iyo wasiir kuxigeenka Cusub ee wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in wasaaraddu ay muhiimad Ballaaran u leedahay Bulshada Soomaaliyeed, loogana baahanyahay wasiirka cusub, kuxigeenkiisa iyo dhamaan howl-wadeennada kale in ay u istaagaan sidii howlaha horyaalla ay guul uga gaari lahaayeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in bulshadeenna ay heestaan dhibaatooyin xoog badan oo ay kamid yihiin abaaro iyo daadad oo mid waliba ay bulshada ku keento barakac, Qaxootinnimo iyo Xoola beel, waxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas wax badan laga qaban karo hadii lees kaashado wasaaradduna ay dawrkeeda qaadato maadaama loo dhisay in arimahaas ay la fal gasho una maareyso sida ugu haboon.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

April 16, 2026
DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

April 16, 2026

“Dalkeenna waxaa dhibaata xooggan ku haya abaaro iyo daadad. Waxaa Muhiim u ah bulshadeenna in laga hor-tago Musiibooyinkaas. Waa in aan ka fakarnaa sidii biyo xireenno loo sameyn lahaa si biyaha dhibaatadooda looga badbaado loogana faa’iideesto”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka Cusub ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xamza Siciid Xamza iyo kuxigeenkiisa, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xassan, waxa ayna ballan qaadeen in ay xoogga saarayaan sidii ay u gudan lahaayeen masuuliyadda weyn ee loo dhiibay si bulshada Soomaaliyeed looga bad-baadiyo Musiibooyinka soo noqnoqday

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Dakhligii ay qabatay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo "SAWIRRO"

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

April 16, 2026
0

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Muqdisho uga qeyb...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

April 16, 2026
0

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday Tallaabo Israa’iil Ku Wajahan oo Wax u Dhimaysa Madaxbannaanideeda iyo...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In