Tuesday, June 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO+Muuqaal”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO+Muuqaal”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka saddex iyo labaatanaad oo ah wareegga saddexaad kulankiisa labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Boosaaso Vs Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

https://youtu.be/F9vajQrMIGo

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Boosaaso Vs Hodan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Boosaaso

Tartameyaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boosaaso ay heleen waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Hodan

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay Boosaso, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay toban dhibcood (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Boosaaso laga ciribtiray tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka afar iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Warta Nabadda Vs Jilib oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada dhexe.

Previous Post

Mogadishu Mayor terminates Ground Leveling and Quarry Mining Activities in Kawan Bari

Next Post

Madaxa siyaasadda Midowga Yurub oo joojisay booqasho ay ku tegi lahayd Israa’iil

Next Post
Madaxa siyaasadda Midowga Yurub oo joojisay booqasho ay ku tegi lahayd Israa’iil

Madaxa siyaasadda Midowga Yurub oo joojisay booqasho ay ku tegi lahayd Israa’iil

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In