Monday, June 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Caddeeyay in la Joogo Xilligii Awoodda loo soo Celin Lahaa Shacabka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 9, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Caddeeyay in la Joogo Xilligii Awoodda loo soo Celin Lahaa Shacabka Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 09, 2018—- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb galay shir ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga madaxa bannnaan ee doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in shaqada dhabta ah ee guddiga ay xilligaan bilaaw tahay, loogana baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay kusoo gudbiyaan wadooyinka ugu haboon ee loo marayo doorashada dalkaan ka dheceysa 2020-ka maadaama shirkii Beydhabo lagu qabtay dhawaan lagu oggolaaday oo lagu heshiiyay in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo ka dhacdo Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Ra’iisul wasaaraha sida uu guddiga ugu dhiirri geliyo in ay fududeeyaan shaqooyinka la xariira arimaha doorashooyinka, waxa ayna uga warbixisay howlaha ilaa hadda uu qabtay guddigu, iyada oo hoosta ka xariiqday in ay u xayirnaayeen heshiiska oo wax badan uga xirnaayeen hase yeeshee markaan ay wax walba cadyihiin loona baahanyahay in ficil iyo wax qabad loo gudbo.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay danta kaliya ee laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah dalkaan ay ka dhacdo in ay tahay in awoodda loosoo celiyo Shacabka iyo in qabiilka looga boxo Axsaab siyaasadeed, waxaas oo dhanna ay suuragal noqonayaan hadii Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranku uu guto waajibaadka ka saaran suura gelinta in dadka Soomaaliyeed ay codeeyaan.

“Waxaa lagu heshiiyay in 2020-ka in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Shaqada dhabta ah hadda ayey u bilaabatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Cudur daar dambe ma jiro. Waa in shacabka loo soo celiyaa awoodda”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa shirka ka sheegay in la joogo xilligii madaxdu ka cabsan laheyd shacabka oo rabitaanka shacabka la fulin lahaa, waxa uuna ballan qaaday in xukuumaddu ay fududeyn doonto dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howsha muhiimka ah ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinku u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

 

–DHAMMAAD–

Previous Post

Madaxweynaha oo cidamada amniga faray inay furaan waddooyinka

Next Post

Daawo Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “Muuqaal+SAWIRRO”

Next Post
Daawo Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “Muuqaal+SAWIRRO”

Daawo Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka "Muuqaal+SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay...

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyay Garoowe

June 16, 2025
0

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo u hoggaansameysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

June 16, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In