Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Caddeeyay in la Joogo Xilligii Awoodda loo soo Celin Lahaa Shacabka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Caddeeyay in la Joogo Xilligii Awoodda loo soo Celin Lahaa Shacabka Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 09, 2018—- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb galay shir ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga madaxa bannnaan ee doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in shaqada dhabta ah ee guddiga ay xilligaan bilaaw tahay, loogana baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay kusoo gudbiyaan wadooyinka ugu haboon ee loo marayo doorashada dalkaan ka dheceysa 2020-ka maadaama shirkii Beydhabo lagu qabtay dhawaan lagu oggolaaday oo lagu heshiiyay in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo ka dhacdo Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Ra’iisul wasaaraha sida uu guddiga ugu dhiirri geliyo in ay fududeeyaan shaqooyinka la xariira arimaha doorashooyinka, waxa ayna uga warbixisay howlaha ilaa hadda uu qabtay guddigu, iyada oo hoosta ka xariiqday in ay u xayirnaayeen heshiiska oo wax badan uga xirnaayeen hase yeeshee markaan ay wax walba cadyihiin loona baahanyahay in ficil iyo wax qabad loo gudbo.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay danta kaliya ee laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah dalkaan ay ka dhacdo in ay tahay in awoodda loosoo celiyo Shacabka iyo in qabiilka looga boxo Axsaab siyaasadeed, waxaas oo dhanna ay suuragal noqonayaan hadii Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranku uu guto waajibaadka ka saaran suura gelinta in dadka Soomaaliyeed ay codeeyaan.

“Waxaa lagu heshiiyay in 2020-ka in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Shaqada dhabta ah hadda ayey u bilaabatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Cudur daar dambe ma jiro. Waa in shacabka loo soo celiyaa awoodda”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa shirka ka sheegay in la joogo xilligii madaxdu ka cabsan laheyd shacabka oo rabitaanka shacabka la fulin lahaa, waxa uuna ballan qaaday in xukuumaddu ay fududeyn doonto dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howsha muhiimka ah ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinku u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

 

–DHAMMAAD–

Previous Post

Madaxweynaha oo cidamada amniga faray inay furaan waddooyinka

Next Post

Daawo Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “Muuqaal+SAWIRRO”

Next Post
Daawo Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “Muuqaal+SAWIRRO”

Daawo Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka "Muuqaal+SAWIRRO"

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In