Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Golaha Wasiirada Sh Maxamed Shaakir, ayaa Maanta si wada jir ah u dhagax dhigay ilaa iyo Seddex Mashruuc ,kuwaasi oo kala ah Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Xarunta TV-ga Maamulka ku shaqayn lahaa, Saldhiga Ciidamada Daraawiishta iyo Nabad-sugida, iyaddoona dhismaha Waqti dhow uu ka bilaaban doono, waxayna sidoo kale kormeer ku tageen Xarumo uu dhisme ka socanayo.
Madaxwaynaha Galmudug iyo Madaxa Gogolaha Wasiirada Galmudug, ayaa waxa ay si wada jir ah uga hadleen Mashruucyadaan Maanta laga dhagax dhigay Magaaladda Dhuusamareeb, waxa ayna sheegeen in Xarumahan Ciidamada ee la dhagaxdhigay lagu mideen doono Ciidamada kala duwan ee Galmudug.
Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Dhuusaamareeb waxaa laga dareemayey dib u dhis lagu samaynayo Xarumihii Dawliga ahaa ee ku yaalla Magaaladaasi, kuwaasi oo wax wayn ka badalay Bilicda Caasimada.