Sunday, August 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa markii ugu horeysay ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 13, 2018
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa markii ugu horeysay ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka sideed iyo labaatanaad oo ah kulanka kama dambeysta ah (final) ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kismaao Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, halka ay iska qaldeen saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo  su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, halka tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah ay soo tiigsadeen kulanka kama dambeysta ah (final) waxaana ay caawa galeen kaalina labaad ee tartanka, halka kaalinta saddexaad ay baxeen tartamayaasha Degmada Shibis.

 

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda Ciidda awgeed ka farxiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee Cusbitaal Martiini

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay...

Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarasha XFS oo maanta ku dhawaaqi doonta natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliyaan Wasiirrada Dowlad Goboleedyada Dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In