Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cafis waa caafimaad “Cafis iyo Masaamax”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Cafis waa caafimaad “Cafis iyo Masaamax”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cafiska ayaa ah habka kaliya ee ugu fudud oo marka la sameeyo horay loo sii socon karo, laguna iloobi karo wax kasta oo horay u soo kala dhexmaray labo shaqsi, laba koox iyo wixii la mid ah, sidaasi darteed waxaa muhiim ah in qof kasta uu masuuliyad gaar ah iska saaro inuu hormuud u noqdo iscafinta dadka Soomaaliyeed.

 

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

Ilaa iyo 12-Malyan oo Soomaali  ah, Xigto iyo Xigaal ah, isku Diin ah sidoo kalana isku Af ah, bal qiyaas haddii qof kasta uu qaato masuuliyad shaqsi ah oo uu Cafiyo walaalkiis maxaa dhicikara.? Jawaabtu waxay tahay inaan heli karno Soomaali isjecel oo mid ah.

Haddaba si aan u gaarno haddafkaas waxaa muhiim ah Qof kasta oo Akhriya warbixintaan ama ay gaarto inuu iska billaabo masuuliyad ah inuu Cafiyo cid kasta uu dhib ka tabanayo Alle dartiis, asna uu cafis waydiisto qof kasta uu aaminsanyahay inuu dhib u gaystay.

Marka aad Cafiso walaalkaa ama koox badan oo dhib kuu gaysatay adiga oo aanan ku raadinayn dan gaar ah laakiin go’aankaas u qaatay Alle dartiis, waxaad helaysaa caafimaad, Qalbigaana wuxuu nadiif u noqonayaa sida Looxa marka qadda laga mayro, laakiin marka aan u wada istaagno dhammaanteen Cafis waxaan noqon doonaa ummad wada caafimaad qabta oo si caafimaad qab ah dunidda oo dhan ula jaanqaada.

Dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen xiliyo adag, waxaa soo dhacay wax badan oo aanan qurxoonayn, laakiin maanta ayaa la-joogaa xilligii la-laabi lahaa baalkaas sidoo kalana la furi lahaa baal cusub oo aan ku qori karno CAFIS IYO MASAAMAX.

28-ka Bishaan June qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka dalka iyo dalka dibadiisa ayaa waxaa ka dhici doona isku soo baxyo lagu muujinayo muhiimadda iscafiska iyo sida loogu baahanyahay in haatan dadka Soomaaliyeed oo dhan iswada Cafiyaan.

 

 

Maxamed kaafi Sheekh Abuukar

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 89-aad.+sawirro

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 89-aad.+sawirro

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Ururka 89-aad.+sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In