Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tabbabar ku saabsanaa wada shaqaynta Booliska iyo Bulshada oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Tabbabar ku saabsanaa wada shaqaynta Booliska iyo Bulshada oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababar ku saabsanaa isdhex galka iyo sida ay u wada shaqayn karaan Booliska iyo Dad weynaha ayaa lagu soo gabagabeeyay Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur galbeed.

Siminaarkan oo soconayay muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana lagu baranayay casharro ku aaddan sidii ay xidhiidh adag ku yeelan lahaayeen Boliiska iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii loo abuuri lahaa Booliska Bulshada (Community police) si ay u wada shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo rayidka, taasoo qayb lixaad leh ka geysan karta sugidda nabad gelyada iyo ammaanka Xaafadaha Magaalada.

Joseph Emeka,oo ka tirsan Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa sheegay in aqoon-isweydaarsigan u dhexeeya Booliska iyo Dadka degaanka uu muhiimad weyn u leeyahay ilaalinta sharciga iyo ka hor tagga falalka liddiga ku ah amniga iyo kala dambaynta Gobollada Dalka.

Mr; Emeka, ayaa intaa raaciyay in Booliska Bulshada uu yahay mid ka jira Waddamada Caalamka, taasoo keeneeysa inuu Dad weynuhu helo amni iyo nabad gelyo buuxda oo lagu kalsoonaan karo.

Qaar ka mid ah Dadkii ka qayb galay ayaa si weyn usoo dhoweeyay tababarkan, iyagoo ballan qaaday inay ku dhaqmi doonaan wixii ay halkaasi ka barteen lana shaqayn doonaan laamaha ammaanka Dalka.

Mukhtaar Maxamed Xuseen, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed ee ka qayb gashay Siminaarkan ayaa sheegay inay tallaabadani tahay mid muhiim ah oo isku xireysa Dowladda dhexe, maamul Goboleedyada iyo Bulshada rayidka.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Hay’adda HSJ oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaliya “SAWIRRO”

Next Post

Shir looga hadlayo arrimaha Deegaanka iyo Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Mareykanka

Next Post
Shir looga hadlayo arrimaha Deegaanka iyo Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Mareykanka

Shir looga hadlayo arrimaha Deegaanka iyo Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Mareykanka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In