Xuseen Maxamuud oo Kooxda Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaano Ramadaani, kana mid ahaa Kooxda Al-Shabaab ayaa isu-soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Baar sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Xuseen, ayaa Argagixisada waxa uu u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah oo kooxda Al-Shabaab ay ka qaado dadka shacabka ah, sidoo kale waxa uu madax u ahaa qeyb ka mid ah maleyshiyaadka Amniyaadka ah ee fuliya dilalka qorsheysan.
Taliyaha howlgelinta ciidanka Xoogga ee qeybta 43Aad Gaashaanle Sare Ismaciil Sheekh Isxaaq oo la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa sheegay in horjooge Xuseen Maxamuud Ramadaani isa soo dhiibistiisa ay timid, iyadoo Kooxda Al-Shabaab dhexdeeda uu ka jiro Khilaaf aad u xooggan, isagoo xusay in ay soo gaareyso warbixin sheegeysa in Argagixisada iyagga ay hadda is beegsanayaan.
Xuseen Maxamuud Ramadaani oo ah Horjoogaha Ciidanka isku soo dhiibay oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan, islamarkaana uu go’aansaday inuu isaga baxo Kooxda oo uu sheegay in daadinta Dhiigga Shacabka ay usoo jeesteen.