Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Cadaaladda oo Xafiisyo lagu xaliyo khilaafaadka Bulshada ka hirgalisay degmooyinka Kaaraan iyo X/Jajab

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Cadaaladda oo Xafiisyo lagu xaliyo khilaafaadka Bulshada ka hirgalisay degmooyinka Kaaraan iyo X/Jajab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hirgalinta xafiiska xalinta khilaafaadka Bulshada ayaa laga furay degmooyinka Kaaraan iyo Xamar Jajab waxaa ay qayb ka tahay nidaamka daadajinta Cadaaladda ee ay ku howlan tahay wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya  waxaana qorshuhu yahay in degmooyin kale laga hirgaliyo.

Xarumaha Degmooyinka Kaaraan iyo Xamar Jajab ayaa wasiirka Cadaaladda iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir waxaa ay kula hadleen qaar ka mid ah bulshada degmada oo ay u sheegeen muhiimada xafiisku u leeyahay.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab C/wali C/llaahi Maxamed ayaa ugu mahad celiyay wasaaradda Cadaaladda hirgalinta xafiiska waxaana uu balan qaaday in loogu adeegi doono bulshada reer Xamar Jajab.

Maxamed Cabullaahi Maxamed (Tuulax) Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu ahmiyad balaaran siinayo nidaamkaan wasaaraddu hirgalisay.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo u sharaxay bulshada ujeedka  wasaaradu u hirgaliyay Xafiisyadaan ayaa tilmaamay in la doonayo in qof kasta ay hesho cadaalad

Wasiirka ayaa u sheegay bulshada deghmooyinkaan in muhiimada laga leeyahay xafiisyadaan sidoo kale ay tahay in lagu xaliyo cabashooyin badan oo aan maxkamadaha la geyn karin iyadoo la raacayo habka  soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed iyo shareecada islaamka.

Previous Post

DHAGEYSO:- Barnaamij gaar ah oo ku saabsan baaqii uu Maxadweynaha u diray Soomaaliland

Next Post

Duqa Muqdisho oo ku bogaadiyey bulshada Gobolka kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo ku bogaadiyey bulshada Gobolka kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda+Sawirro

Duqa Muqdisho oo ku bogaadiyey bulshada Gobolka kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda+Sawirro

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In