Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbixin ka bixisay dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbixin ka bixisay dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhowaan loo sameeyay Hay’ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay.

Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, wuxuu sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.

Isaga oo ka hadlayay ahmiyadda Hay’addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado.

Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. “Waxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. “Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo. Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%, waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka waxaan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay’adda.”

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
Previous Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray Saldhigga Degmada Boondheere+sawirro

Next Post

Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Congress Man Adam Smith+sawirro

Next Post
Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Congress Man Adam Smith+sawirro

Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Congress Man Adam Smith+sawirro

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In