Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo bogaadiyay is-fahamka laga gaaray wada-hadalladii dhinacyada Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr Food Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 13ka Luulyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

Related posts

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026

Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garbahaareey

Next Post
Degmada Doolow oo uu ka socdo shir dib u heshiisiineed

Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garbahaareey

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In