Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Allaha u naxariisto Wariye Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday London “Dhageyso taariikh nololeedkiisa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Allaha u naxariisto Wariye Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday London “Dhageyso taariikh nololeedkiisa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Wariye Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansanaa Warbaahinta Soomaalida, isagoo ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Idaacadda laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Rugcadaa saxaafadeed Siciid Cali Muuse oo ku sugan magaalada Hargeysa, islamarkaana in muddo ah ay isla soo shaqeeyeen Allaha u naxariistee Marxuum Yoonis Cali Nuur ayaa Radio Muqdisho uga waramay taariikh nololkeedka Marxuumka iyo waxyaabaha uu ka yaqaano.

“Muddo saddex sano ayaan wax wada baranaynay, Iskuulada Hoose ee Gebileey iyo Cadaadley ayuu iskuul ka dhigtay, markii uu dugsiga sare ka baxay waxa uu tegay Xamar oo uu ku ku biiray Xalane, halkaas ayaa laga qaatay oo uu ku biiray Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Wakaaladda SONNA iyo Radio Muqdisho, waxaana uu qori jiray Wararka iyo Faalooyinka” ayuu yiri Saciid Cali Muuse.

Saciid ayaa tilmaamay in Allaha u naxariistee Marxuum Yoonis Cali Nuur uu ahaa shaqsi afgaaban misna ka adag shaqadiisa, bulshaduna ay aad u jecleyd.

“Markii Muqdisho ka dambeysay waxaan isugu nimid Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da, waxaana uu ahaa nin aqlaaq wanaagsan, nin shaqadiisa aad iyo aad ugu fiican, waxaad ka garaneysa faalooyinkii uu qori jiray ee markii uu joogay Radio Muqdisho iyo Wakaaladda SONNA, markii dambe waxa u ahaa ragga ugu cad cad ee BBC-ad laanta Af-ka Soomaaliga ah oo uu muddo 30 sano ka soo shaqeynayay” ayuu yiri Saciid Cali Muuse oo ka mid ah rugcadaaga Saxaafadda Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa ka tegay labo xaas iyo sideed carruur ah.

Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, sidoo kale sanadkii 1983 ku biiray Laanta Afka Soomaaliga BBC-da.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa bahda saxaafadda, ehelada iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerada allaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur.

Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/07/WAREYSI-SICIID-CALI-MUUSE.mp3
Previous Post

Guddiga Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidanka oo gaaray Johannesburg + Sawirro

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In