Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka “ Wax badan ayaan ka qabtay arrimaha Musuq Maasuqa” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Hanti dhowraha Guud ee Qaranka “ Wax badan ayaan ka qabtay arrimaha Musuq Maasuqa” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 06 08 2018,…. Kulanka sanadlaha ee Xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Senator Cabdi Dhuxuloow Dhag-dheer oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare, Xidhibaan Sahra Cabdulqaadir oo ah xubin katirsan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Guuleed Ceyduruus Cige oo hore uga soo shaqeeyay Xafiiska Hantidhowrka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cumar Faarax, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, Xoghayeyaasha Joogtada, Maxamed Cadceed Cali oo ah agaasimaha Daladda Bulshada Reyidka ee SOSCENSA iyo marti shar kale oo lagu casuumay munaasibadda.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Handtidhowraha Guud ee Qaranka oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxay Qorshaha ay ku shaqeyn doonaan  3-da sano ee soo socota iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee uu xafiiska joogay.

Mudane Afgooye ayaa xusay in xafiisku uu hirgaliyay nidaam cusub, kaas oo fudeeyay in lala xisaabtamo hay’ado waa weyn oo ka tirsan dowladda, sida talisyada NISA iyo Xoogga dalka Soomaliyeed

“Masuuliyadda Xafiiskaan saaran waxa ay tahay dhowrista hantida Qaranka ee Umadda Soomaaliyeed iyo isla xisaabtanka, howshaas aan qabaneynano waxaan u mareynaa 3 waddo oo kala ah, 1- Habka maamulka Maaliyadda iyo sida loo isticmaalay, 2-Dib u eegista hay’adaha Qaran wajibaadka loo idmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay iyo tan Sadaxaad oo ah Baaris gaar ah oo aan ku dabagalno qaladaadka ay noo soo gudbiyaan qeybaha bulshada, taasoo aan u saxno sidii loogu talagalay” ayuu yiri Mudane Afgooye.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo hadalkiisa sii watay ayaa xusay in ay sanadkaan ku guuleysteen qorshaha isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga, ayna baaris iyo dabagal buuxa ku sameeyeen hay’adaha rayidka iyo kuwa ciidanka, taas oo suurtagalisay in lasaxo nidaamka maaliyadda iyo dakhli uruurinta, islamarkaana Xafiiska Hanti dhowrka Qaranku uu qeyb weyn ka qaatay qorshaha Qaran ee la dagaallanka Musuq Maasuqa .

“Islaxisaabtanka Xafiiska Hanti dhowrka ayaan ka bilaawnay, markii aan kala saarnay shaqaalaha xafiiska ka howlgalayay kadib waxaa nooga soo baxay dad Khibrad iyo aqoon u leh shaqada, anagoo badalnay 4 agaasime, Waxaa baaris iyo dabagal lagu sameeyay dhammaan hay’adaha dowladda rayidka iyo ciidankaba, sida kuwa Amniga oo aan baaris ku sameynay, talooyin ama qaladaadkii nooga soo baxayna waxaan la wadaagnay xafiisyadii ay quseysay” ayuu yiri Hantidhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali Afgooye.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay kulanka ayaa boggaadiyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka lagula dagaalamayo musuqa, si looga baaqsado ku takrifalka hantida dawladda.

“Soomaaliya waxay horumar weyn ka gaartay sannadihii dhawaa la dagaallanka musuq-maasuqa, balse horumar masii jiri karo ilaa xidida loo siibo musuqa. Maamulka Gobolka waxaan bilownay qorsheyaal aan kula dagaalamayno musuq-maasuqa si loo hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Xafiiska hanti dhowrka Qaranka Soomaaliya oo la aas aasay sanadku markuu ahaa 1960-kii, waxaana la dhihi karaa sanadkaan wuxuu xafiisku qabtay howlo muhiim ah oo ay mahadiyeen bulshada Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya ka dalbanayay in la xisaabiyo hay’adaha dowladda si meesha looga saaro eedeeymaha la xiriira in si qaldan loo maamulo dakhliyada kala duwan ee soogala dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Previous Post

Duuliye Sare Asli Cabaade oo hadalo wacyi gelin ah u jeedisay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Jaamacadda Caalamiga Afrika Ee Dalka Suudaan “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Jaamacadda Caalamiga Afrika Ee Dalka Suudaan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Jaamacadda Caalamiga Afrika Ee Dalka Suudaan "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In