Friday, May 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho uu ku tagay dalka Turkiga

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho uu ku tagay dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho rasmi ah uu ku tagay dalaka Turkiga.

 

Related posts

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Rajib Dayib Ordogan, iyagoona ka wada hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal iyo sida loo horumarin lahaa iskaashiga ku aaddan dhammaan dhinacyada horumarka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa dalka Turkiga waxaa lagu maamuusay in uu ka qeyb-galo Shirka 6-aad ee Xisbiga talada haya dalka Turkiga (AKP).

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaanka xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AKP) iyo hoggaamiyeyaasha caalamka ee lagu marti qaaday shirweynaha xisibigan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxda uu la kulmay, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo dadaallada haatan socda ee ku qotoma dib-u-kabashada dalka.

Dhankooda, Madaxa dalalka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo dhaweeyey hor-u-socodka ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona bogaadiyey xiriirka iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Previous Post

Wasiir Beyle oo maanta kormeeray Dekadda Muqdisho+Sawiiro

Next Post

Taliska Ciidanka Asluubta oo qalab Xafiiseed ku Wareejiyay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada “SAWIRRO”

Next Post
Taliska Ciidanka Asluubta oo qalab Xafiiseed ku Wareejiyay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada “SAWIRRO”

Taliska Ciidanka Asluubta oo qalab Xafiiseed ku Wareejiyay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada "SAWIRRO"

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In