Thursday, August 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Qaranka ee Ciyaaraha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Qaranka ee Ciyaaraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 27ka Ogosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

August 6, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Laascaanood

August 6, 2026

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika.

“Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”

Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalka Afrika ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, iyagoona garab ku siiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, gaar ahaan qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybihii nasashada ee Garoonka.

 –DHAMMAAD–

Previous Post

Xafladda qalin jabinta dufacadda 3aad ee Jaamacadda Jamhuuriya oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Algeria oo la dhigay Cisbitaal ku yaalla Geneva

Next Post
Madaxweynaha Algeria oo la dhigay Cisbitaal ku yaalla Geneva

Madaxweynaha Algeria oo la dhigay Cisbitaal ku yaalla Geneva

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

August 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka socotay Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Laascaanood

August 6, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi...

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

August 6, 2026
0

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxammed Odawaa, ayaa hoggaaminayay wafdi ka koobnaa diblomaasiyiin ka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

August 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In