Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada XFS oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan hay’addaha deeq bixiyaasha

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada XFS oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan hay’addaha deeq bixiyaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
Muqdisho, September, 20, 2018:- Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya  mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula qaatay xubno ka socda hay’addaha deeq bixiyaasha.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulanka hore la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxana ay ka wada hadleen , sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada.

“ Waxaan kulan la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxaan ka wada hadalnay, sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada,waxaan si gaar ah uga wada hadalnay mashruuc waxbarasho oo ku saabsan xoolo dhaqatada iyo meelaha miyiga ah kana socda gobolada sida Gedo, Bay iyo Bakool oo ay maalgalisay USAID ayna hirgelinayso UNICEF, mashruucan oo  ah  mid tijaabo ah  ayaan qorsheyneynaa inaan ka hirgelino gobollada dalka”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa  sheegay in bisha October magaalada Muqdisho lagu qaban doono shir  lagu lafa guri doono waxqabadka iyo waxa uu soo kordhiyey mashruuca tijaabada ah ee hirgelinta waxbarashada xoolo dhaqatada iyo reer miyiga, kadibna laga fuliyo dhamaan gobolada dalka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa kulmay  Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF  ee Soomaaliya, waxana ay ka wada arinsadeen , mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda.

“Waxaan la kulmay Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF Soomaaliya, waxaan  ka arinsanay, mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan warmurtiyeedkii shirkii Brussels lagu qabtay ee golaha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) July 16 -17, Iyadoo lagu go’aamiyay in bisha November ee sanadka la qabto shir looga hadlayo waxbarashada Soomaaliya, waxaan isla garanay in wasaaradda waxbarashada iyo UNICEF inay u diyaar garooban shirkan ka faa’ideystan fursadaha jira” ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kulamo kula qaatay xubno ka socda Bangiga Adduunka kuwaasoo uu hogaaminayay Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxana labada dhinac ka wada hadleen fulinta mashaariicda waxbarashada.

“Waxaa sidoo kale Nairobi kula kulmay xubno ka socda Bangiga Adduunka oo uu hogaaminayo Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxaan ka wada hadalnay, Mashruuca RCRFka oo ka taageera dawlada dhanka mushaarka shaqaalaha dawlada sidoo kalana waxbarashada iyo caafimaadka ka taageera dhanka bixinta gunooyin macalimiinta iyo xirfadle yaasha caafimadka,mashruucan waxa uu taageeraa in kabadan 2,000 oo macalin oo ku kala sugan Puntland, 300 ,Jubaland, 300 Banaadir iyo 900 oo kale oo u qorshaysan sadexda dawlad goboleed ee kale, sidoo kale waxa uu ka shaqayn doonaa taakulaynta gunada macalinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mushaarkooda iyada oo macalimiinta la qiimeyn doono,  iyo dhanka xogta waxbarashada sidii loo hagaajin lahaa”ayuu intaasi raaciyay wasiir Goodax.

Ugu dambeyn  Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa la kulmay madax ka tirsan hay’adda VCT  oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda  midowga yurub iyo USAID.

“Waxaan la kulmay  madax ka tirsan hay’adda VCT  oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda  midowga yurub iyo USAID,arrimaha aan xooga saarnay waxaa ka mid ah  Halka uu marayo fulinta mashruuca GPE ga oo dhan USD 17.9 million, Fulinta mashruuca oo bilaabatay bishan September 2018-ka waxana uu ku eegyahay September 2021, waxaa la samayn doonaa daahfur balaaran bisha Octoober oo lagu qaban doono Muqdisho kana soo qayb gali doonaan wufuud ka socota GPE, Midowga Yurub, USAID iyo Dowlada heerarkeeda kala duwan”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay qaabka looga faaiidaysanayo qoondada cusub ee GPE ga oo dhan USD 27.9 million, wasiirka waxbarashada ayaa u  sheegay xubnaha deeq bixiyaasha in wasaaradda ay dadaal ugu jirto sidii ahmiyadda koowad loo siin lahaa waxbarashada islamarkana  la kordhiyo miisaaniyada dowlada ee dhanka waxbarashada lana gaarsiin doon inta udhaxaysa 7% ilaa 10% sandka 2019-ka.

Previous Post

Wafdi ka socda wasaaradda qorsheynta XFS oo la kulmay wasiirka qorsheynta Dalka Qadar

Next Post

DAAWO:- Barnaamij gaar ah oo ku saabsan iskaashiga Cusub ee Somaliya iyo Shiinaha

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.”Sawirro”

DAAWO:- Barnaamij gaar ah oo ku saabsan iskaashiga Cusub ee Somaliya iyo Shiinaha

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In