Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: Dawladnimadeennu Waxa Ay Kusoo Dhacday Waddada Saxda Ah, Waxa Ayna U Baahntahay in lagu ilaaliyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre: Dawladnimadeennu Waxa Ay Kusoo Dhacday Waddada Saxda Ah, Waxa Ayna U Baahntahay in lagu ilaaliyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, October 01, 2018 — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay munaasabadda daah-furnaanta maaliyadda dalka ayaa xasuusiyay ummadda Soomaaliyeed in si isku filnaansho loo gaaro ay lagama maarmaan tahay in masuuliyad layska saaro shaqooyoinka fududayn kara yagleedidda mustaqbal ifaya.

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aasaaska dawladnimada Soomaaliya oo waqti dheer Jihada ka lunsanayd ay hadda haleeshay waddo sax ah, hase yeeshee la taaganyahay bilaawga dariiqa saxan loona baahanyahay in waddadaas lagu taagnaado oo aan mar kale jihadu ka qaldamin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta dawladda in ay ilaaliyaan ammaanada oo ay ka fogaadaan xatooyada xoolaha dadwaynaha iyo joogtaynta sababihiin dariiqa wanaagsan ka leexiyay dawladnimada Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen laaluush, musuqmaasuq iyo qabyaalad.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in habka kaliya ee shaqo abuur loogu samayn karo dhallinyada Soomaaliyeed, ciidan xoog leh lagu dhisi karo, daynta looga cafin karo dalka ay tahay in la horumariyo dhaqaalaha, arrintas oo iyana ku xiran in musuqa lala dagaallamo iyo in shaqooyinka loo diro shaqsiyaad karti u leh, wasiir kastana uu wasaaraddiisa ka bilaabo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Barnaamijka daah-furnaanta maaliyadda oo ay hormuud ka tahay wasaaradda maaliyadda xukuummadda fedraalka Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed ay kula socdaan dakhliga dawladda soo gala, ilaha dakhliga iyo sida loo maamulo, maadaama shacabku ay leeyihiin hantida, muhiimna ay tahay in ay si daah-furan ula socdaan hannaanka loo maamulo.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo laga fuliyay mashruuc indha fiiqis oo lacag la’aan ah “SAWIRRO”

Next Post

Somalia condemns ship carrying over 200,000 bags of charcoal from Somalia docking at Iraqi port

Next Post
Somalia condemns ship carrying over 200,000 bags of charcoal from Somalia docking at Iraqi port

Somalia condemns ship carrying over 200,000 bags of charcoal from Somalia docking at Iraqi port

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In