Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beelo ku dagaalay Galbeedka Kismaayo oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Beelo ku dagaalay Galbeedka Kismaayo oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta ku guuleysatay in ay dib u heshiisiin u sameyso beelo walaalo ah oo galbeedka magaalada Kismaayo ay xurguf ku dhexmartay, iyadoo lagu dadaalay sidii loo dhammeyn laha xurguf iyo wax walba oo kala fogeyn kara bulshada Jubbaland.

 

Related posts

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025

Shirkaan lagu heshiisiinayay Beelaha walaalaha ah ayaa waxaa laga soo saarey go’aanno  la xariira in dib aysan u soo noqon colaadda iyo is afgaran waaga sababi kara gacan ka hadal.

Goobta uu heshiisku ka dhacay ayaa waxaa ku sugna  Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland  Maxamed Warsame Darwiish,Wasiirka Cadaaladda iyo Diinta Jubbaland Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar iyo Wasiirka Ganacsiga Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan.

Waxa kale oo ka qayb galay kulanka siyaasiyiin, waxgarad iyo hoggaanka dhaqanka beelaha maanta ku heshiiyay magalaada Kismaayo.

Hoggaanka dhaqanka labada beel ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin nabad ku wado noolansho ayna ka fogaan doonan wax walba oo dhib horseedi kara.

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ku dadaali doonta sidii loo fulin lahaa go’aanadii kasoo baxay shirka iyo nabad kuwada noolanshaha shacabka Jubbaland.

Wasiirka Cadaaladda ee Jubbaland Maxamaed Yusuuf Cumar ayaa dhankiisa sheegay in muhiim ay tahay ka fogaanshaha wax walba oo sababi kara in bulshada Soomaaliyeed colaad isu qaado.

Previous Post

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare oo go’aamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4aad

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska "SAWIRRO"

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In