|
Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka ayaa maanta ka furantay hotelka Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho, taas oo soo bandhigeysa horumarka ay bulshadeenu ka sameeyeen isgaarsiinta iyo teknoolojiyada. Carwadan waxaa loogu talo galay inay noqoto dhacdada ugu weyn ee ay ku kulmaan dhammaan daneeyeyaasha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka, sida shirkadaha isgaarsiinta, internet-ka, shirkadah sameeya website-yada iyo barnaamijyada, fikradaha cusub ee dhinaca Teknoolojiyada, jaamacadaha bixiya aqoonta ICT iyo hayโadaha dawladeed ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada. Waxaa carwadan dhinaca farsamada ka caawinaya Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada. Carwadan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 60 shirkad, jaamacad iyo hayโad dawladeed, waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay iibiyaan, waxayna fursad u helayaan sidii ay isku baran lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen. Carwadan oo dadweynaha u furan 16ka iyo 17ka Oktoobar, subaxii 9ka subax illaa 5ta galabtii, waxay dadweynuhu sidoo kale ka qeybgali karaan aqoon-isweydaarsiyo, iyadoo sidoo kale lagu guuleysanyo deeqo waxbarasho iyo agab kale sida laptop, talefoonnada gacanta, internet modems, iwm. Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka la taaban karo ee ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ka sameysay dhinacyada ansixinta sharciga, aasaasitaanka Hayโadda Isgaarsiinta, astaanta internetka, isagoo sheegay in xogta ay ururiyeen ay muujineyso in Soomaaliya horumar muuqda ay ka sameyneyso isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu taageereyso bandhigyada noocan oo kale ah, maadaama ay u xilsaaran tahay inay jiheyso, oo isku xirto, bahda isgaarsiinta iyo teknoolojiyada. โDhamaan ka qeyb galayaasha waxa ay fursad u heli doonaan in ay isku bartaan, wada ganacsadaan, la socodaan howlaha dowladda, sidoo kalena ay muuqato cudadda iyo xoogga suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,โ ayuu yiri wasiirka. Rasโiisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Md Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo carwada si rasmi ah u furay ayaa sheegay in isgaarsiinta iyo teknolojiyadu gaareen meel aanay cidina ka maarmi oo nolosheena ka mid ah. Wuxuu intaas ku daray in carwadan ay soo bandhigi doonto wajiga kale ee Soomaaliya ay leedahay. |
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi
Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...















