Monday, November 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria oo amaanay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria oo amaanay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda Eretria, Cusmaan Saalax Maxamed iyo Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Demuquraadiga Federaalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

 

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025

Booqashada ayaa qayb ka ah sare u qaadida iskaashiga siyaasiga ah ee ka dhexeeya sedaxda dawladood iyo sii wadidda hannaanka wada hadalka ee ka dambeeyay heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee Madaxda Eretria, Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Asmara September 2018.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Wasiirrada oo intii ay booqashadooda ku jireen ugu tagay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirradu waxa ay ka wada hadleen horumarinta qodobadii heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka, waxa ayna xaqiijiyeen in ay ka go’antahay ayna si wada jir ah gacan uga gaysanayaan nabadadda, xasiloonida iyo horumarka gobalka geeska Afrika.

Madaxdu waxa ay dib u milicsadeen horumarka gobalku uu ku tillaabsaday kadib saxiixa heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee dib u furidda xuduudda u dhexeysa Ethiopia iyo Ereteria, iyo dib u amba qaadidda duullimaadyada tooska ah ee caasimadaha sedaxda dal.

Iyaga oo ku hadlaya magaca madaxda dawladahooda, Wasiirrada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria waxa ay dib u xaqijiyeen in ay taageersanyihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxa ay ammaaneen horumarka ay dhawaaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dib u habaynta dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta siyaasadda.

Wasiirrada arrimaha dibadda waxa ay ammaaneen dadaallada dib u habaynta ee ay wadaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, iyo aaminaaddda ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ay ku qabaan hay’adaha dawladda.

Wasiirradu waxa ay ku celiyeen in Ereteria iyo Ethiopia ay sii wadayaan is garab istagga shacbabka iyo hoggaanka dawladda Federaalka Soomaaliya si looga mira dhaliyo rajada dib u soo kabashada Qarannimada Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Wasiirka Waxbarshada oo kulan kula qaatay Dalka Turkiga Guddiga Tacliinta Sare ee Dalkaas “SAWIRRO”

Next Post

War saxaafadeedka wadajirka ah ee ka danbeeyay booqashada Wasiirrada Arrimmaha Dibadda Ereteria iyo Ethiopia ay ku yimaadeen Muqdisho

Next Post
Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria oo amaanay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay

War saxaafadeedka wadajirka ah ee ka danbeeyay booqashada Wasiirrada Arrimmaha Dibadda Ereteria iyo Ethiopia ay ku yimaadeen Muqdisho

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

November 17, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In