Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria oo amaanay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria oo amaanay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda Eretria, Cusmaan Saalax Maxamed iyo Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Demuquraadiga Federaalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Booqashada ayaa qayb ka ah sare u qaadida iskaashiga siyaasiga ah ee ka dhexeeya sedaxda dawladood iyo sii wadidda hannaanka wada hadalka ee ka dambeeyay heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee Madaxda Eretria, Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Asmara September 2018.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Wasiirrada oo intii ay booqashadooda ku jireen ugu tagay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirradu waxa ay ka wada hadleen horumarinta qodobadii heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka, waxa ayna xaqiijiyeen in ay ka go’antahay ayna si wada jir ah gacan uga gaysanayaan nabadadda, xasiloonida iyo horumarka gobalka geeska Afrika.

Madaxdu waxa ay dib u milicsadeen horumarka gobalku uu ku tillaabsaday kadib saxiixa heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee dib u furidda xuduudda u dhexeysa Ethiopia iyo Ereteria, iyo dib u amba qaadidda duullimaadyada tooska ah ee caasimadaha sedaxda dal.

Iyaga oo ku hadlaya magaca madaxda dawladahooda, Wasiirrada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria waxa ay dib u xaqijiyeen in ay taageersanyihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxa ay ammaaneen horumarka ay dhawaaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dib u habaynta dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta siyaasadda.

Wasiirrada arrimaha dibadda waxa ay ammaaneen dadaallada dib u habaynta ee ay wadaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, iyo aaminaaddda ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ay ku qabaan hay’adaha dawladda.

Wasiirradu waxa ay ku celiyeen in Ereteria iyo Ethiopia ay sii wadayaan is garab istagga shacbabka iyo hoggaanka dawladda Federaalka Soomaaliya si looga mira dhaliyo rajada dib u soo kabashada Qarannimada Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Waxbarshada oo kulan kula qaatay Dalka Turkiga Guddiga Tacliinta Sare ee Dalkaas “SAWIRRO”

Next Post

War saxaafadeedka wadajirka ah ee ka danbeeyay booqashada Wasiirrada Arrimmaha Dibadda Ereteria iyo Ethiopia ay ku yimaadeen Muqdisho

Next Post
Wasiirada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria oo amaanay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay

War saxaafadeedka wadajirka ah ee ka danbeeyay booqashada Wasiirrada Arrimmaha Dibadda Ereteria iyo Ethiopia ay ku yimaadeen Muqdisho

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In