Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si rasmi ah uga furmaya Shir kooxda xiriirka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamka.
ย
Wafuud ka socota Dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qayb galaya shirkaan.
ย
Shirkan ayaa diirradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.
Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah.
Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii.
Halkaan ka dhagayso Wariyaha Warbaahinta Qaranka C/shakuur Cali Axmed oo ka soo waramaya Xarunta Shirkaย