Friday, March 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo xiligan uu ka socdo dib u dhis.

 

Related posts

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

March 6, 2026
Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026

Kormeerka Wasiirka waxbarashada ayaa waxaa ku wehelinayay ,taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya S/Guud  Mudane, Bashiir Maxamed Jamaac, wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed  iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  Mudane, Xassan Maxamed Cali.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in injineerada dhisaya xarunta Wasaaradda waxbarashada ay ka mid yihiin injineero ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliya.

“Injineerada dhisaya xarunta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah injineero ka tirsan ciidamada Asluubta taasina waa guul ay gareen ciidamada Asluubta”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in arintan ay guul u tahay shacabka Soomaaliyeed islamarkana dhaqaalaha ku baxaya dib ugu soo noqonayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Arinta waa mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed maxaayeelay dhaqaalaha  ku baxaya wuxuu dib ugu soo noqonaya dowladda iyo shacabka,waxaan rajeyneynaa in dhawaan la soo gaba gabeyn doono dhismaha”ayuu intaasi raaciyay wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa waxaa xiligan ka socda dib u dhis lagu sameynayo iyadoo dhawaan lagu wado in la soo gaba gabeeyo.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo u ambabaxay Dalka Mareykanka

Next Post

Kormeerayaasha Dugsiyada Dowladda oo tababbar loo furay

Next Post
Kormeerayaasha Dugsiyada Dowladda oo tababbar loo furay

Kormeerayaasha Dugsiyada Dowladda oo tababbar loo furay

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

March 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, (Jeneraal Khaalid) ayaa maanta booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaas...

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa daahfuray mashruuc dhinaca indhaha ah oo diiradda saaraya ilaalinta iyo daryeelka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

March 6, 2026
0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ABAAL MARINNO LACAGEED GUDDOONSIIYAY TARTAMEYAASHA KAALIMAHA HORE KA GALAY TARTANKA QURAANKA EE BISHA RAMADAAN   Muqdisho,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In