Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Gondar, halkaas oo ay ugu sii gudbi doonaan Magaalada Bahr Dar ee isla Dalka Ethiopia.
Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Gondar si weyn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Mas’uuliyiin kale.
Mudane, Farmaajo, ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah, Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr Cabdi, Safiirka Soomaaliya u jooga Ethiopia, Cali Shariif Axmed iyo la taliyeyaal sare, sida uu SONNA u sheegay , Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed.
Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadli doonaa dhammaystirka heshiiskii ku saabsanaa isku xirka dhaqaalaha Waddamada Gobolka oo Laba Bilood ka hor ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eretrea.