Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Argagixisada Waa dilaa aan cidna dhaafayn

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 10, 2018
in Wararka
0
Al-Shabaab waa u caado inay ku qubeystaan dhiigga shacabka sida biyaha oo kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Al-Shabaab waa koox Argagixiso ah oo barnaamijkooda yahay inay tarjumaad qaldan ka bixiyaan ama inxiraafiyaan Diinta Islaamka  waxayna xaabo ka dhigtaan qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo aan  helin fursadaha waxbarashada, dad waawayn oo maangaab ah iyo qaar kale oo nolosha ka dhacay.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025

Naxariis darada kooxdaan waxaa daliil u ah beegsiga dadka Bir-magaydada ah sida Caruurta, Hooyooyinka iyo dadka wax tarka u ah Bulshada Soomaaliyeed, taasoo ku tusayso dhagarta kooxda la maagantahay Umadda Soomaaliyeed.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqamada xun xun ee maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan dadka Muslimiinta ah.Shareecada Islaamku way xarrintay in la daadiyo dhiigga qof ama dad aan waxba galabsan, waxaana Ilaahay ugu gooddiyay qofkii si xaqdarro ah ku daadiya dhiigga muslinka in uu gelinayo Naartiisa uuna ku waarayo,Caro Ilaahay,,Lacnad iyo Cadaab wayn.

Nabigeenna NNKH waxa uu yiri” Dunida oo suusha ama baaba’da ayaa ilaahay uga fudud in qof muslim ah dhiiggiis xaq darro loo daadiyo”.

Waxaa Nasiib darro ah maleeshiyaadka Shabaab fahamkooda,Fikirkooda iyo Ficilkooda qalloocan dartii waxay bannaysteen dhiigga dadka  aan waxba galabsan oo ay si joogto ah u daadinayaan, iyagoo hadana ku faanaya  gumaadka dadka shacbiga sida dhacdadii shalay ka dhacday Muqdisho oo Alshabaab ay ku laayeen dadka rayidka oo ku gada jiray baadigoobka iyo xasilinta nolol maalmeedkooda.

Diinteena suuban ee Islaamka ayaa meel sare gaarsiisay ilaalinta nafta, maalka iyo sharafta Qofka Muslimka, waxaana taasi badalkeeda Al-Shabaab ay caadaysteen inay si toos ah ugu xadgudaan waxkasta oo diinta islmaanka ay ilaalisay.

Alle wuxuu Quraankiisa noogu sheegay qofkii si bareer u dila qof Muslim ah, in abaal marintiisu tahay Naarta Jahanamo, isagoo ku waaraya, taas oo ay u dheer tahay carada Alle iyo inay ku dhacdo Nacladda Alle.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal badan galisay ka hortagga Falalka Argagixiso ee Kooxdaan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in loo midoobo la dagaalanka Argagixisada.

Shaki kuma jiro in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin la dagaalanka Alshabaab balse waxaa lagama maarmaan ah hirgalinta istiraatiijiyad lagu hagayo dagaalka ka dhanka ah Kooxdan hororka ah taasoo aan is leeyahay waxay sahleysaa isku xirnaanta Dowladda iyo Shacabka taasi oo horseedi doonta in kooxdaan arxanlaawayaasha ah dalka laga sifeeyo.

Al-Shabaab ayaa Ganacsatada meelaha ay ka taliyaan iyo meelaha kale ka qaado lacago baad ah, iyagoo ku sheegaya inay bad-baadinyaan Naftooda iyo Maalkooda balse taas ayaa  waxba kama jiraan ah sababta oo ah Kooxdani waxay ka been sheegatay Alle Diintiisa, waxay banaysatay dhiigii Alle xarimay ee muslimka hadaba su’aasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay badbaadinta ma waxay u yaqaanaan xasuuqa.

Hadafka kooxdan argagisxisada ah waa xasuuqa shacbga soomaaliyeed, waxaana bartilmaameed u ah qof walba oo aan iyaga ka tirsanayn , islamarkaana aan aaminsanayan afkaartooda gurracan, sidaa darted Al- Shabaab waa dilaa aan cidna dhaafayn.

SONNA

Previous Post

Joint statement of the Bahr Dar meeting between the leader of Ethiopia, Somalia and Eritrea  

Next Post

Al-Shabaab oo jidka u galay dad ka soo laabtay aaska marxuum ka mid ah kuwii ay shalay dileen

Next Post
Al-Shabaab waa u caado inay ku qubeystaan dhiigga shacabka sida biyaha oo kale

Al-Shabaab oo jidka u galay dad ka soo laabtay aaska marxuum ka mid ah kuwii ay shalay dileen

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In