Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo canbaareeyay qaraxyadii Argagixiso oo dhawaan ka dhacay Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo canbaareeyay qaraxyadii Argagixiso oo dhawaan ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

 Mudane Axmed Abul-qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa oo ay kooxda xakjirka ah Jimcihii la soo dhaafay ay  ku qaadeen Hotel dadka rayidka ah ay u badan yihiin oo ku yaalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, ayna ku dhinteen dad maato ah oo aan waxba galabsan qaar kaloo fara badana ay ku dhaawacmeen.

Xoghayuhu waxa uu isagoo ku hadlaya magaca xubnaha jaamacadda Carabta  uga tacsiyadeeyay Xukuumadda Soomaalia iyo dadkii ay marxuumiintaasi ka geeriyoodeen, wuxuuna kuwa dhaawaca ah ilaaahay uga baryay inuu siiyo caafimaad taam ah.

Danjire Mahmud Caatiqi oo ah afhayeenka rasmi ah ee Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay Jaamacaddu ay ku gacan siinayso Xukuumadda Soomaaliya dadaalka ay uga jirto nabad ka soo dabaalidda dalka.

Sidoo kale Afhayeenku  waxa uu mar kale sheegay kalsoonida ay Jaamacadda Carabta ku qabto awooda ay Dowladda Soomaalia u leedahay ka hortagga iyo ka guuleysiga  weerarada argagixiso ee noocan ah  in kastoo ayuu yiri ( xiligaan ay Soomaalia wajahayso duruufo aad u adag) wuxuuna ugu baaqay bulshada caalamka inay laba laabaan taageerada Soomaalia ay u fidinayaan si ay dib u dhis ugu sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha Dowladda iyo sugida degenaashaha dalka.

Dhaanka kale  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada  Sacuudiga iyo Afhayeen u hadlay Culumada Al-Azhar Shariif ayaa iyana si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee kooxda argagixisada ay Todobaadkii hore la beegsadeen Xarumo iyo goobo ganacsi oo ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho.

Waxayna cadeeyeen inay teegeero hiil iyo hooba leh ay la baarbar taagan yihiin Xukuumadda iyo Shacabka Soomaliyeed sidii looga guulaysan lahaa nooc kasta  oo fal argagixisso ah.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo shir muhiim ah Jabuuti kaga qeybgalaya +Sawirro

Next Post

Dr. C/naasir wuxuu u taagnaa Caafimaadka Dadkiisa Balse Al-Shabaab ayaa jidka dhexdiisa ku holciyay dad uu ka mid ahaa

Next Post
Dr. C/naasir wuxuu u taagnaa Caafimaadka Dadkiisa Balse Al-Shabaab ayaa jidka dhexdiisa ku holciyay dad uu ka mid ahaa

Dr. C/naasir wuxuu u taagnaa Caafimaadka Dadkiisa Balse Al-Shabaab ayaa jidka dhexdiisa ku holciyay dad uu ka mid ahaa

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In