Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo tilmaamay in hab raac sax ah aan loo marin warbixintii guddiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo tilmaamay in hab raac sax ah aan loo marin warbixintii guddiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay warqad ay ku saxiixanyihiin Toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka, waxaana warbixinta golaha u arkhiyay Xildhibaan Maxamed Soomaali oo guddiga  ka mid ah.

Related posts

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha ka horjeediyay warbixin miisaaniyadeedka 2018-ka oo eedeymo horey loogu soo jeediyay, waxa uuna ka jawaabay su’aalihii  eedeymahaasi la xiriirtay.

Sidoo kale Wasiiru-Dowlaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay warbixinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan Miisaaniyadda 2018-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada, isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.

“Warbixin guddi marka Golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah, mana la soo marsiin waana gef, raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa, dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala, ansixintii iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii, yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed, intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad.

Previous Post

Xubno matalaya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ka qeyb galaya Shir ka dhacaya Istanbul

Next Post

Wasiirka Cadaaladda oo ka warbixiyay shirka wasiirada Garsoorka Jaamacadda Carabta oo Khartuum lagu qabtay +Sawirro

Next Post
Wasiirka Cadaaladda oo ka warbixiyay shirka wasiirada Garsoorka Jaamacadda Carabta oo Khartuum lagu qabtay +Sawirro

Wasiirka Cadaaladda oo ka warbixiyay shirka wasiirada Garsoorka Jaamacadda Carabta oo Khartuum lagu qabtay +Sawirro

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

Somalia, Sudan Denounce Israel’s “Somaliland” Recognition

Somalia, Palestine Reject Israel’s “Somaliland” Recognition

Somalia, Palestine Reject Israel’s “Somaliland” Recognition

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with H.E....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In