Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo diyaarineysa manhajka Fasalka Sideedaad

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo diyaarineysa manhajka Fasalka Sideedaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Wasiir ku xigeynka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS,Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in ay wasaaraddu soo dhameystireyso manhajka oo hada ku koobaan dugsiyada koobaad ilaa afaraad.

“Manhajka aan ardayda u qeybinay ayaa ahaa fasalka koobaad ilaa afaraad, ilaa fasalkii 12 ayaa hada la wadaa waxaan rajeyneynaa lixda bilood ee ugu horeysa waxan fileynaa in ay soo baxaan ilaa fasalka 8-aad , manhajka wanaagsan  ayuu  u socdaa cid kasta oo aqoon yahan ahna waa uu u furun yahay waa soo dhawyneynaa”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Feysal Cumar Guuleed  ayaa tilmaamay in wasaarada waxbarashada ay  dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahayeen waxbarasho dhameys tiran.

“Ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an tayeynta tacliinta dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahayeen waxbarasho lacag la’aan ah”ayuu yiri Feysal Cumar.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed  ayaa sheegay in cabashadii dhawaan ka timid ardeyda Soomaaliyeed ee loo diray  dalka Itoobiya, la xaliyay islamarkana hadda ay bilaabeen  waxbarashooda.

“ Wasaaradda waxbarashada waxa ay deeq waxbarasho ka heshay dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya oo siisay arday tiradoodu gaareyso 223 arday oo isugu jira bajulaar ah iyo arday mastar ah ardaydii ka faaideysatay baajulaarka iyo kuwii ka faaideystay mastarka labadaba wasaaraddu waxa ay ku dadaashay sidii ardaydaas ay u tagi lahaayen dalka itoobiya dhamaan toodna waa ay tageen waxana loo kala qeybshay jaamacadihii dalka itoobiya waxa ay cabasho ka soo yeertay jaamacaddo ka mida ah jaamacadiihii ardaydu ay ku qornaayeen in waqtigii loogu tala galay ay ka dib dhaceen kadib wada hadal ay wasaaradu la gashay jaamacadihii ardaydu ku qornaayeen iyo dowladda itoobiya waan ku guuleysan in aan xalino ardaydiina waxa ay dib  u bilaabeen waxbarashadooda”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Previous Post

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeysay dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho

Next Post

Alshabaab isku ekeysiiyay ciidamada dowladda oo la xukumay

Next Post
Alshabaab isku ekeysiiyay ciidamada dowladda oo la xukumay

Alshabaab isku ekeysiiyay ciidamada dowladda oo la xukumay

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In