Thursday, September 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 3, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso u adeegidda dadka naafada ah.

 

Related posts

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan

September 3, 2025

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay masuuliyadda gaarka ah iyo midda wadareed ee ku aaddan dadka naafada ah sidii ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga u ah iyo xuquuq dhammeystiran.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare ugu baaqay in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taas oo aasaas u ah mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taasi oo fududayn doonta in dadka naafada ah ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhisay tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambeyn ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan, si gaar ahna loo garab istaago dadka Naafada ah.

Previous Post

Shir looga hadlayay horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cilmi baarista oo lagu soo gabo gabeeyay Turkiga “Dhageyso”

Next Post

Daawo+Sawirro” Banaan-bax lagu Xusayay Nabigeena Muxamed oo Maanta lagu qabtay Degmada Galiinsoor”

Next Post
Daawo+Sawirro” Banaan-bax lagu Xusayay Nabigeena Muxamed oo Maanta lagu qabtay Degmada Galiinsoor”

Daawo+Sawirro" Banaan-bax lagu Xusayay Nabigeena Muxamed oo Maanta lagu qabtay Degmada Galiinsoor"

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska ayaa xarunteeda ku martigelisay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaas oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan

September 3, 2025
0

Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Midowga Yurub iyo Netherland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Midowga Yurub iyo Netherland

September 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee...

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

September 3, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In