Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab oo lagu dilay deegaanka Guulane ee Shabeellaha dhexe

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab oo lagu dilay deegaanka Guulane ee Shabeellaha dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada la magac baxay Macawiisleyda oo iskood isku abaabulay inay la dagaalamaan Argagaxisada ayaa Weerar ku qaaday Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab oo ku sugnaa deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha dhexe.

Muxudiin Nuur oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Ciidamada Macawiisleyda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Maleeshiyadda Al shabaab ka dileen 10-Dhagar qabe oo ay ku jiraan Horjoogihii Al shabaab  ee Deegaanka Guulane iyo Horjoogihii u qaabilsanaa Boobka iyo Dhaca Shacabka oo ay ugu yeeraan Madaxa Canshuraha.

Related posts

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025

“Annagoo Sodon ka badneyn ayaan weerar ku qaadnay deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, dagaal culus ayaan la galnay Argagaxisada, Maleshiyaad badan ayay u wacdeen laakiin waan jabinay waxaan ka dilnay 10 Dhagar qabe oo ay ku jireen Labo Horjooge oo mid ka mid ah uu ahaa Horjoogihii deegaanka halka kan kale uu Canshuurta u qaabilsanaa Maleeshiyada”.ayuu yiri Muxudiin Nuur.

Muxudiin ayaa sheegay in Abaabulka dagaalkan ay sababtay ka dib markii Al shabaab ay dadka rayidka ka barakiciyeen deegaankaasi isla markaana ay burburiyeen Goobihii lagu baranayay Diinta Islaamka, Dhac iyo Dil ay u geysteen Shacabka Xoolo dhaqatada ah, iyagoo sidoo kale isku dayay inay xoog kaga qaataan caruurtooda oo ay doonayaan inay u adeegsadaan daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa fahmay Dhagarta Aragagaxisada Al shabaab, iyadoo deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe ay dadka deegaanka ka dhiidhiyeen Falalka guracan ee Nabad diidka iyagoona balanqaaday inta qof ka nool yahay inay la dagaalamayaan Dhagar qabayaasha Al shabaab.

Previous Post

Al-Shabaab oo la’a meel ay galaan xilli Diyaarado Joog Hoose Kuduulaya ay ku raad joogaan

Next Post

Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Next Post
Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In