Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aadan Isaaq ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu dhaawacay Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo Qarax loogu xiray gaarigiisa uu dhaawac kas oo gaaray.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa falkaasi ku tilmaamay mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, waxayna Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ay ALLE ay uga baryeen in uu si dhaqsa ah u bogsiiyo.

Related posts

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa Cambaareeyey dhaawaca soo gaaray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa, isagoo EEBBE uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismaaciil Sheekh Khalifa inuu  caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”ayuu ku yiri Goddoomoyaha Gobolka Banaadir oo Qoraalkan soo dhigay Bartiisa Facbook-ga.

Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa kamid ah Wariyeyaasha ugu firfircoon ee ka howlgala magaaladda Muqdisho, isaggoo horay usoo noqday Agaasimihii idaacadda Star Fm.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo magaaladda Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda...

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In