Maraykanka oo xoojinaya xiriirka dibolomaasi ee Soomaaliya

Related posts

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xoojineyso xiriirka  diiblamaasi,isla markaana ay dardargalineyso howlaha safaaradeed ee ay ku leedahay dalka Soomaaliya.

Haweeney af-hayeen ah oo u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka  Heather Nauert ayaa tallaabadasi ku tilmaantay mid taariikhi ah isla markaana ka turjumeysa horumarka Soomaaliya.

Warkaan oo ka soo baxay  waaxda Arrimaha Dbadda  ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay ka dhigan tahay sida Mareykanka uu u doonayo xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,waxaana la xaqiijiyay in Mareykanku uu dib u soo celinaayo isla markaana uu joogteyn doono cilaaqaadkii dibolomaasi .

Mareykanka ayaa sannadkii 2013-kii si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Soomaaliya, balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Tallaabadaan ayaa noqoneysa markii koowaad muddo ku dhow sodon sano oo safaaradda Mareykanka ay ka howlgasho Muqdisho, sida lagu sheegay war saxafadeed ay soo saartay Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Next Post
𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.