Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka iyo Shaqaalaha Degmada Shangaani oo ka qeyb qaatay barnaamijka Isxilqaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka iyo Shaqaalaha Degmada Shangaani oo ka qeyb qaatay barnaamijka Isxilqaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto Degmadii ugu horaysay ee ka qeyb  qaadata  barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dayac tirayo xarumaha danta guud ee Dalka.

 

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Maamulka iyo Shaqaalaha Degmada Shangaani oo ay hogaaminayso Gudduumiyaha Degmada  Sahra Sheekh Maxamed  Amiin  ayaa maanta ka howlgalay Tiyaatarka  iyo   Maktabadda Qaranka.

Guddoomiyaha Degmada Shangaani  ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Dalkaaga Is-xilqaan ku dhiso, isla markaana Degmooyinka kale ay ugu baaqayaan iney ka qeyb qaataan barnaamijka Isxilqaan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu daah furay si Dalka dib loogu dhiso.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Banaadir waaxda nadaafada  iyo bilic soo celinta ayaa Olole nadaafadeed oo xoog leh ka sameeyay  Madxafka Qaranka iyo hareerihiisa,   Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobalka Banaadir Cabdicasiis  Goodax Barre ayaa sheegay in ay mar kasta heegan u yihiin bilic soo celinta Caasimadda.

Ugu danbayntii waxa kormeer shaqo ku soo gaaray  Xarunta Madxafka Qaranka oo dhawaan si rasmi ah  Madaxda Qaranku u dhagax dhigi donaan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada  Eng, Cabdi Cashuur  Xasan.

Wasiirka ayaa ku soo wareegay qeybaha u ka kooban yahay madxafka Qaranka, asagoo indha indheeyay sida  barnaamijka Isxilqaan uu uga socdo gudaha xarunta Madxafka Qaranka.

 

Previous Post

Presidents of Sudan, Djibouti Arrive in Jimma

Next Post

Akhriso: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo faray guddiga Maaliyadda inay shaqadooda dib u bilaabaan

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Akhriso: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo faray guddiga Maaliyadda inay shaqadooda dib u bilaabaan

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In