Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Maamullada Degmooyinka oo looga hadlay Qorshaha Horumarinta 2019 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Shirka Maamullada Degmooyinka oo looga hadlay Qorshaha Horumarinta 2019 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa lagaga hadlay qorshaha faya dhowrka Caasimadda, amniga, Olalaha Isxilqaan iyo qaban soo bandhiggidda Sawirrada taariikhda Muqdisho.

 

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

October 11, 2025
TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025

Shirkan ayaa ku qabsoomay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Warta Nabadda, iyadoona Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay soo bandhigeen waxqabadka sanadkan ee arrimaha bulshada, la dagaalanka musuq maasuqa iyo baahinta adgeeyada asaasiga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa boggaadiyey isku duubnida dhinaca amniga ee shacabka iyo hay’adaha amniga, kaas oo horseeday in laga hortago falal badan oo argagixisada Alshabaab ay u maleegeen shacabka.

Arrimaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen Maamulka Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinku ayaa waxaa ka mid ahaa qorshaha dib u habaynta bulaacadaha Caasimadda oo haatan ay howlgaleen bulaacadaha mara degmooyinka Xamarweyne iyo X/Jajab, iyadoo ay soo dhammaatay daraasadda ku aaddan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ku xeeran faya-dhawrka degmooyinka Gobolka oo iska kaashadeen Gobolka Banaadir iyo UNDP.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyey sida bulshada Gobolku ay uga qeyb qaadanayaan Olalaha Isxilqaan, kaddib markii muddo kooban lagu hirgelyey qorshaha dib u dhiska Tiyaatar-ka iyo Madxafka Qaranka, isagoona ku ammaanay Shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo kan Warta Nabadda oo todobaadkan sameeyey olale ay ku nadiifinayaan Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

–DHAMMAAD–

 

Previous Post

Somalia’s SUN Movement discusses the readiness of doing cost of the diet analysis

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Dalka Qatar “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Dalka Qatar “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Dalka Qatar "SAWIRRO"

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS Taliska...

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In