Sunday, August 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Qoysas ka soo cararay deegaannada Al-Shabaab oo ciidamada DANAB gaarsiiyeen deeq raashin ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli ay isa soo tarayaan qoysaska naftooda oo qura kala soo cararaya dhibaatooyinka dilka iyo dhaca xaq darada ah ee ay  maleeshiyaada argagixisada ka geysanayaan meelaha far ku tiriska ah ee ay kaga sugan yihiin  Al-Shabaab deegaanada Galmudug ayaa waxaa ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee DANAB 21aad waxa ay gaarsiyeen gurmad ay ku caawinayaan qoysaskaasi qaarkood kuwaasi oo soo gaaray deegaanada Ceel huur iyo Qaran raaw ee Bariga Gobalka Mudug, iyagoo ay wajiyadooda ka muuqdaan dhibaatooyinkii ay kala kulmeen kooxda sharwadayaashaa ee Al-Shabaab.

Related posts

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

August 9, 2026

Taliyaha ciidan DANAB 21aad Cabdicasiis Cabdullaahi Xogolof oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kaalmadan ay ugu talageen shacabka, isla markaana ay jiraan qorshayaal ku aadan sidii kooxdaasi loo soo afjari lahaa balse shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa dowlad Gobaleedka una istaagaan la dagaallanka kooxda naf la caarigaa ee haraadigoodu ku dhuumaaleysanayo dhulka howdkaa ee ku dhaw dhaw Degmada Xarar Dheere.

Qaar ka mid ah qoysaskii deeqda la gaarsiiyay ayaa ka mahad celiyay, iyagoo xusay in ay u tahay markii ugu horeysay oo ay arkaan ciidan bulshadooda la qeyb sanaya dhibaatada heysata.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab taasoo suurta gelisay in deegaanno fara badan oo horay kooxdaasi ugu sugnaayeen ay la wareegaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka oo iyagu ku sugan guud ahaan Goballada Dalka.

Waxaa Qoray Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

Previous Post

Gaalkacyo: Dhallinyaro la baray xirfado ay ku shaqeystaan oo la guddoonsiiyay Shahaadooyin “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”

Ra'iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda "Dhageyso"

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Jeremy Konyndyk, Madaxweynaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In