Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Faysal Samow Shaahidkii Shahiidka ahaa.!!!

admin by admin
January 1, 2019
in Maqaallo, Wararka
0
Faysal Samow Shaahidkii Shahiidka ahaa.!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada aadka u fir-fircoon ee dalka gudisiisa wax ku bartay, sidoo kalana ka shaqaynayay horumarinta iyo dhiiragalinta dhalinyarada iyo ardayda haatan ku jira waxbarashada.

 

Faysal wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan Sanadku markii uu ahaa 1988, wuxuu ka mid ahaa qoys ka kooban 14-ruux marka lagu daro Hooyo iyo Aabe.

Waxbarashadiisa aas-aasiga ah, sida hoose dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Baladwyne, sidoo kale 2016-kii ayuu ka baxay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO)  xarunteeda magaalada Muqdisho, kulyada maamulka iyo Ganacsiga.

Faysal Salaad, xiligaan wuxuu ku jiray Waxbarashada Jaamacadda,
Faysal Salaad, xiligaan wuxuu ku jiray Waxbarashada Jaamacadda.

Faysal marka laga soo tago waxbarashadiisa wuxuu sidoo kale haatan wuu ka shaqaynayay Waxbarista Ubadka Soomaaliyeed ee soo baxaya.

Wuxuu ahaa Macalin wuxuuna mid ahaa Macalimiintii ugu horeeyay ee loo qaatay Barnaamijka Aada dugsida (Go to School), wuxuuna macalin ka ahaa Afartii sano ee ugu dantaysay Dugsiga Yaasiin Cismaan ee ku yaala degmada Boondheere.

Xasan Jimcaale Cadaan oo ah maamulaha Dugsiga Yaasiin Cismaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Faysal uu ahaa macalin fir-fircoon, oo dabeecad wanaagsan leh, sidoo kalana xiriir fiican la leh macalimiinta ay wadashaqaynayeen iyo ardayda iskuul-ka.

Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ahaa shaqsi markasta waqtigiisa ugu badan ku bixiya dhiiragalinta Dhalinyarada, isagoo ku dhiiragalinayay inay waxbartaan.

Wuxuu aas-aasay Xarunta Tababaratad iyo Horumarinta Ardayda Soomaaliyeed, taas oo ka shaqaysa kobcinta Aqoonta dhalinyarada.

2016-kii Allaha u naxariistee Faysal Aabihiis Salaad Samow iyo wiil ay walaalo yihiin ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ku dileen magaalada Baladweyne, iyagoo sidoo kale halkaasi ku dhaawacay wiil kale oo ay wada dhasheen Faysal.

28-kii October 2017-kii wiil kale oo la dhashay Faysal oo lagu magacaabi jiray Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho.

Bile Salaad Samow, wuxuu ahaa Faysal da'da ka yar, wuxuu ku baxay Gacanta Al-Shabaab
Bile Salaad Samow, wuxuu ahaa Faysal da’da ka yar, wuxuu ku baxay Gacanta Al-Shabaab

22-December 2018, oo shalay ahaydna Al-Shabaab waxay Qarax ku dileen Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow.

Ka hor inta uusan uusan geeriyoon Faysal wuxuu ka bad baaday Qaraxa Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel u dhow Tiyaayarka Qaranka, Ka dibna wuxuu tagay isagoo nabad qaba Dugsiga uu macalinka kahaa ee Yaasiin Cismaan, wuxuuna Bartiisa Facebook-ga ku soo qaray inuu ka bad baaday Qaraxa, laakiin wuxuu ku geeriyooday Qarax kale oo Al-Shabaab ay ka gaysteen meel u dhow Dugsiga uu ku sugnaa ee Yaasiin Cismaan.

Ehelada Marxuumka iyo Maamulka Iskuulka uu ka shaqaynayay ayaa inoo sheegay in Allaha u naxariistee Faysal uu isku diyaarinayay Sanadka cusub inuu guursado, iyadoo loo doonay Gabadhii uu guursan lahaa.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/12/WARBIXIN-FESAL-SALAAD-SAMOW-.mp3

W/D:- Naciimo Cabdi Saciid (Naciimo Shiino)

Previous Post

Maxaa looga hadlay kulanka Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka ?+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Madaxweynaha JFS oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In