Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shacabka Caasimadda oo Muujiyey Kalsoonida Madaxda Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shacabka Caasimadda oo Muujiyey Kalsoonida Madaxda Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga qeyb-galay Degmada Waaberi Munaasabad lagu taageerayay aqbalaaddii Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres go’aankii Dawladda Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen go’aankii ay Dawladdu ay ka qaadatay Wakiilkii hore QM u fadhiyey Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabadaasi ay dhiirigelisay kalsoonida ay shacabku u hayaan Madaxda dalka,

Eng. Yarisow waxuu sheegay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay isku imaatano dhowr ah oo lagu xoojinayay midnimada shacabka iyo Dawladda, isla markaana lagu caddeynayay mowqifka wadajira ee ku aaddan go’aankii laga qaatay ergay Nicholas Haysom .

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay in marnaba aan la aqbali doonin faragelin shisheeye ee gudaha dalka, taasoo ah mid laga soo gudbay, waqtigana ay Soomaaliya hayso horumarka iyo wax-wadaqabsiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kula dar-daarmay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada-jeesto wax walba oo dhibaato u keenaya qaranimada iyo qabka ummadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenadda Gobolka, Xoghaya iyo bulshada ku nool afarta Degmo ee Waliyoow Cadde.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisul wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Weerar Ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay Deegaanka lagu Riiqsay ee Gobolka Mudug

Next Post
Weerar Ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay Deegaanka lagu Riiqsay ee Gobolka Mudug

Weerar Ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay Deegaanka lagu Riiqsay ee Gobolka Mudug

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In