Raโiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay guddoomiyay kulanka guddi hoosaaska golaha wasiirrada ee tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay qorshaha tubta ee sannadka 2019.
Kulanka oo qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Raโiisul wasaaruhu la yeelanayay afarta tubood ee lagu jaan joogay shaqo maalmeedka dawladda ayaa ujeedadiisa ugu wayn waxa ay ahayd in la isla garto shaqooyinka u yaalla tubta kuwa ugu mudnaanta badan ee la doonayo in sannadkaan gudihiisa lagu fuliyo.
Daraad ayaa Raโiisul wasaare Khayre waxa uu sidaan oo kale u guddoomiyay tubta amniga iyo caddaalada, waxa uuna si taas lamid ah la kulmayaa tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada si iyana ay Raโiisul wasaaraha ugu soo gudbiyaan qorshe howleedkooda 2019.