Lix diblomaasi Soomaali ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u kicitimay magaalada Riyadh si ay uga qeybgalaan tababar la xiriira qaanuunka diblomaasiyadda iyo qunsuliyadda oo socon doona muddo hal todobaad ah oo uu bixinayo Machadka Amiir Sacuud Al-feysal ee Daraasaadka Diblomaasiyadda.
Tababarkan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee dalka aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ku deeqo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012.