Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo cambaareeyay fal lagu bur buriyay xarun ay lahayd shirkadda Hormuud

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo cambaareeyay fal lagu bur buriyay xarun ay lahayd shirkadda Hormuud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa cambaareeyay falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu burburiyey xarunta shirkadda Hormuud ee Degaanka Cali Buulley oo ku dhow Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose.

 

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa uga tacsiyadeeyay howlwadeena Hay’adda Hormuud iyo shacabka Soomaaliyeed dhibka nafeed iyo midka dhaqaale ee kasoo gaaray falka xanuunka badan ee lagula kacay shirkadda, waxaana uu xusay in arrintaas baaritaan lagu sameyn doono, si loo ogaado cidda ka dambeysay falka lagu bur buriyay shirkadda Hormuud.

“Dowladda Soomaliyeed guud ahaan gaar ahaan hay’adaha sida gaarka ah ugu shaqada leh ka falcelinta dhacdooyinkaan waxay ka shaqeynayaan la xisaabtanka dhinacyada ka dambeeya ama ku lugta leh falalkaan guracan ee lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaalaha ee dalka iyo hantida dadweynaha”.ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Wasiiru dowlaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan deganaan iyo dulqaad inta laga shaqeynayo xal u helista dhibka soo noqnoqday.

Sida la ogsoonyahay xarunta ayaa nooqneysa tii 7aad ee la burburiya tan iyo sanadkii sanadkii hore 2018.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Saraakiil ka Socotay Midowga Yurub

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Shir Wada-tashi ah la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Shir Wada-tashi ah la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Shir Wada-tashi ah la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In