Wednesday, April 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cuusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cuusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Related posts

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa u hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Danjiraha JFS ee dalka Suudaan oo booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee Khartoum “SAWIRRO”

Next Post

Dhallinyaro ku nool dalka Swasiland oo guddoomiye u doortay Xasan Shariif.

Next Post
Dhallinyaro  ku nool dalka Swasiland oo  guddoomiye u doortay Xasan Shariif.

Dhallinyaro ku nool dalka Swasiland oo guddoomiye u doortay Xasan Shariif.

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa...

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In