Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha JFS ee dalka Suudaan oo booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee Khartoum “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Danjiraha JFS ee dalka Suudaan oo booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee Khartoum “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cabdulqaadi Axmed Sheekh Maxamed ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee magaalada Khartoum, si uu ugu gudbiyo dhambaalka tacsida ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka soo saartay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Nairobi.

 

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Danjire Shoole ayaa saxiixay diiwaanka tacsida ee Safaaradda Kenya ay ugu tala gashay dadkii ku nafwaayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Nairobi 15kii bishan Jannaayo 2019, waxa uuna u gudbiyey labo dhambaal oo tacsi iyo garab istaag ah oo ka kala socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safaaradda JFS ee magaalada Khartoum.

Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee dalka Suudaan Mudane Abrown Suge ayaa uga mahadceliyey Dowaladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga iyo u damqashada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Kenya.

Labada Danjire ayaa iska xog waraystay xaaladda guud ee gobolka, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya labada dal, khatarta argagixisada Alshabaab iyo muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto cadwagaan caqabadda ku ah horumarka Dalalka Geeska Afrika.

Booqashadaan ayaa waxaa Safiirka ku weheliyey Danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya Suudaan Mudane Axmed Cali Barre.

Danjireyaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya ee Khartoum ayaa hoosta ka xariiqay in aan argagixisanimada aysan gaar ku ahayn dad, dal iyo diin gaar ah.

 

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Shir Wada-tashi ah la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cuusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cuusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cuusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed "SAWIRRO"

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In