Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa tilmaamaya in Ciidamada Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la wareegeen deegaanno dhanka Glabeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland.
Saraakiil ka tirsan ciidanka hogaaminayay howlgallada ka socda Jubbooyinka ee lagula dagaalamayo dhagar qabayaasha Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanno ay ka midyihin Cabdalla Biroole, Beerxaani Haad Weyne, Cabdi Dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wada deegaannada ay kala wareegeen dhagar qabayaasha Al-Shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Xoogga dalka oo kaashana saaxiibadooda caalamka ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay ku bur buriyeen goobo ay argagixisada Al-Shabaab ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo xarumo kale.