Kulanka oo socday mudo saddax saacadooda ah ayaa waxaa looga hadlay howlaha Hay’ada dhaqaatiirta aan xaduuda lehyn (MSF) Soomaaliya ay ka wado, hanaanka ay u socdaan Mashaariicdan dhinaca caafimaadka. Iyada oo kulanka ay goobjoog ka ahaayen Madaxda Wasaaradda iyo Masuuliyiinta Hay’adda MSF.
Xoghayaha Joogta ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgshiga iyo Horuamrinta Dhaqalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamed ayaa ku bogaadiyay hay’ada Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee (MSF) howlaha ay ka wadaan dalkeena in dib u bilaabaan tan iyo sanadkii 2013 kaddib.
“Waxaan marka hore soo dhaweynaa in howlahii hay’adan ay ka waday Soomaaliya in dib ay u bilaawdo ka dib markii ay hay’dan ay hakisay sanadkii 2013 shaqadii dalka ka waday, sababo la xariira in shaqaalaheeda dhibaato la kulmeen, waxaana hada ay bilaaben shaqada ay ka wadaan dalka inagoo talooyin ka siinay qaabka dalkeena xiligan u howlgalayo in ay dar dargailyaan shaqadooda.”ayuu yiri Xoghayaha joogta ee Wasaaradda.
Sidoo kale Xoghayaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegay in ay ka wada haldleen Istaaraatijiyada 2019 ee hay’adan ay uga howlgaleyso qorshaheeda Soomaaliya iyo sidii loogu saleyn lahaa baahiyaha caafimaad ay wadaan kuwa ahmiyadda u leh shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan isla garanay in ay noo soo gudbiyaan istaraatijiyada sanadka 2019 shaqooyinka dhinaca caafimaadka dalkeena, iyadoo qorshahooda u gudbin doonan Wasaaradda Caadimaadka dalka, Sidoo kale waxaan isla garanay in dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalka u dhashay in ay siiyaan Tababaro la xariira howlaha Cafimaadka sida qaliinka iyo cudurada guud” ayuu yari Xoghayaha Joogta Wasaaradda.
Madaxa Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xaduuda lahayn ee MSF ayaa soo dhaweeyay hanaanka ay u socdaan geedi socodka shaqooyinka Soomaaliya ee dhinaca samafalka ah, taalabo wanaagsan ku tilmaamay sida ay ula xisaabtameyso Wasaaradda Qorsheynta Hay’adaha gar gaarka isla amrkaana la ogaanayo shaqooyinka ay ka wadaan Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorsheynta ayaa tilmaamo ka baxinayo dadaalaada kala duwan ee Wasaaradda ay wado ee muga leh ee dhinaca la xisaabtanka hay’adaha iyo ka warqabka hay’adaha ka howlgala dalkeena si loo ogaado shaqooyinka dalka ay ka wadan, isla markaana shaqooyinkaasi lagu saleeyo baahiyaha Ummadda Soomaaliyeed.