Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qabow daran oo Minnesota laga dareemayo iyo digniino dadka loo jeedinayo+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Qabow daran oo Minnesota laga dareemayo iyo digniino dadka loo jeedinayo+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qabow xad dhaaf ah oo horey loo saadaaliyay ayaa maanta(Talaado) aad looga dareemay meelo ka mid ah Mareykanka oo Minnesota ay ku jirto,magaalooyinka gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalooyinka mataanaha, Saint Paul iyo Minneapolis ayaa heer kulka hawada maanta waxaa uu gaaray -29 F ayada oo la filayo in uu intaas hoos uga dhaco.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Maalinta arbacada ayaa waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in heerkulka hawada ee magaalooyinkaasi uu hoos uga dhacayo -55 F,Iskuulada gobolka oo dhan ayaa xiran muddolaba maalmood ah, waxaana ay sii xirnaan doonaa ilaa maalinta arbacada ah. Sidoo kale, jaamacadihii gobolka ayaa waxbarashadii la hakiyay.

Adeegii boostada ee dalka Mareykanka ayaa hakad la geliyay gobolada Minnesota, Iowa, Western Wisconsin iyo Western Illinois,Qabowga daran aawadii ayaa shirkadda tagaasida ee Lyft ku yaboohday adeeg bilaash ah xilliga dhaxantu daran tahay.

Si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara qabowga daran ayaa waxaa dadka loo sheegay in ay xirtaan koofiyadaha qabowga iyo gacmo gashiga qabowga,Qabowga saa’idka ah oo ay la socoto dabeysha xoogan ee ku socota xawaare said ah ayaa waxaa laga qaadaa xanuun lagu macaabo frostbites( waa xanuun ku dhaca faraha, dhegaha iyo sanka marka xubnahaasi ay daqiiqado ay ku dhacaan qabowga iyo dabaysha) sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Waxaa maanta gobolka oo dhan laga dareemayay feejignaan dheeri ah, ayada oo dadku ku yaraayeen goobaha ganacsiga, ayaga oo sidoo kale baajinayay balamada ay la lahaayeen dhakhaatiirta.

W/Q: Suldaan (Mohamed Osman (NewYork).

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Safiirka cusub ee Soomaliya u fadhiya kuwait oo gaaray dalkaasi+sawirro

Next Post
Safiirka cusub ee Soomaliya u fadhiya kuwait oo gaaray dalkaasi+sawirro

Safiirka cusub ee Soomaliya u fadhiya kuwait oo gaaray dalkaasi+sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In