Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Kormeeray dhismaha Xabsiga Guud ee Muqdisho oo La Dhamaystiray+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Kormeeray dhismaha Xabsiga Guud ee Muqdisho oo La Dhamaystiray+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka asluubta, xeer ilaaliyaha qaranka iyo wasiirka caddaaladda ayaa maanta booqday xabsiga guud ee Muqdisho oo laga hir-geliyay Taliska Guud ee Asluubta oo ku yaalla Ex-kaantarool Afgooye.

 

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay dhammaan qaybka uu ka koobanyahay xabsigaan oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, taas oo meesha ka saaraysa dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqaadka maxaabiista, xabsiga guud ee dhismihiisa la dhamaystirayna uu noqonayo halbeegga dhismaha xabsiyada kale ee dalka si iyana loo gaarsiiyo heerka xabsiyada caalamiga ah, waxa uuna u mahadceliyay dhammaan hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dhismaha xabsiga.

Halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada ayaa waxaa kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka, waxa uuna sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalku in ay guul wayn tahay in halbeeg kamid ah halbeegyadii muhiimka ahaa uu maanta fulay.

Xabsiga Guud oo loo qorsheeyay in lagu yareeyo culayska ka jiray xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa si rasmi ah u shaqo billaabaya Jenaury 22, 2019.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya+Sawirro

Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya+Sawirro

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In