Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, kuwaasi oo ka kooban xubnaha labada Gole ee BFS iyo Wasiiro oo u hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay caasimadda Jamhuuriyadda Kuuriyada koonfureed ee Seoul.
Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ayaa magaaladda Seoul ee caasimada Kuuriyada Koofureed uga qeyb geli doona Kulan caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Nabadda aduunka.
Kulankaasi looga hadlayo arrimaha Nabadda Caalamka ayaa socon doona inta u dhaxeyso 7-11 Bishaan, waxaana berri ah uu ka furmi doonaa Caasimada Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed.