Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gobolka Banaadir oo burburiyey dhismayaal sharci darro ah+ Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Gobolka Banaadir oo burburiyey dhismayaal sharci darro ah+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’adaha ku hawllan dib u soo celinta dhulalka Danta Guud.

Eng.Yarisow oo dul istaagay waddada halbowlaha ah ee isku xirta Isbitaalka Keysanay iyo qeybaha kale ee degmada Kaaraan ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la furo waddadan, lagana banneeyo dhismayaashii sharci darrada ahaa.

Waaxda Howlaha Guud iyo Maamulka Degmada Kaaraan ayaa iyagoo fulinaya amarkii Duqa Muqdisho waxay burburiyeen dhismeyaal si sharci darro ah looga dhistay waddada Isbitaalka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

August 8, 2026

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay salka ku hayso cabasho ay soo gudbiyeen waxgaradka deegaanka iyo Maamulka Isbitaalka Keysanay, taas oo ku saabsanayd in gaadiidka sida bukaanada iyo gurmadka deg degga ah ay ka xireen dhismeyaashaasi waddadii halbowlaha u ahayd Isbitaalka.

Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ayaa bulshada Caasimadda ku dhiirri geliyey in ay u midoobaan ilaalinta iyo daryeelka goobaha Danta Guud, maadaama ay muhiim u tahay nolasha bulshada iyo bilicda Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbeystii digniin culus u jeediyey dadka dokumentiyada u sameystay iyo kuwa ka dalaala guryaha sharcidarada lagu degenyahay.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanadii ka soo baxay Shirkii Midowga Afrika

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanadii ka soo baxay Shirkii Midowga Afrika

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanadii ka soo baxay Shirkii Midowga Afrika

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas...

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In