Wednesday, February 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay Baladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Hiiraan oo xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay Baladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Mudane Cabdiraxiin Muxumed Taakooy, ayaa xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka.

 

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo ku baaqday xoojinta habraacyada amniga gaadiidka

February 25, 2026
Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 10aad iyo 11aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 10aad iyo 11aad ee Dastuurka

February 25, 2026

Saldhiggan oo laga hirgeliyay Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ayaa saddexdii bil ee ugu dambeysay waxaa ku soconayay dhismo iyo dayactir ay ka wadeen howl-galka AMISOM iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ,Taakooy, ayaa ugu mahad celiyay AMISOM iyo Dadka degaanka oo gacan ka geystay taabagelinta howshan, wuxuuna sheegay in ay soo dhoweynayaan sida habsamida leh ee ay shaqadu kusoo dhamaatay, wixii haatan ka dambeeyana ay shacabka siin karaan adeegyo tayo leh.

“Waxaan ku faraxsannahay in shaqada dayactirka la dhammeystiray iyadoo wixii hadda ka dambeeyana ay Saraakiisheenu siin karaan adeegyo tayo leh dadka Degaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Taakooy.

Wuxuu sheegay in ay magaaladu si dhaqsa ah u fideyso, horayna ay u lahayd oo keliya hal Saldhig oo ku yaalla Xaafada Kooshin, Kororka Bulshada awgeedna loo baahan yahay Saldhigyo kale.

Isku duwaha Booliska AMISOM, ee arrimaha dib u dhiska, Maxwell Chikunguru, ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska iyo dacay-tirka ah ee ay wadaan ay mudan tahay in lagu taageero, si loo soo celiyo tayadii Booliska Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Fursado Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Arrimaha Dibada.

Next Post

Saraakiil loo xiray tacaddiyo loo geystay Suxufiyiin

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Saraakiil loo xiray tacaddiyo loo geystay Suxufiyiin

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo ku baaqday xoojinta habraacyada amniga gaadiidka

February 25, 2026
0

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadisay u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 10aad iyo 11aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 10aad iyo 11aad ee Dastuurka

February 25, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha...

Dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi oo la dhagax dhigay

Dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi oo la dhagax dhigay

February 25, 2026
0

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca kaabeyaasha waddooyinka Soomaaliya ee isku xiraya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Madaxtooyada...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

February 25, 2026
0

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In