Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo ku baaqday in la dedejiyo baarista Kiiska Caa’isha Ilyaas oo dhawaan lagu dilay Gaalkacyo.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
8 years ago
in Wararka
0
QM oo ku baaqday in la dedejiyo baarista Kiiska Caa’isha Ilyaas oo dhawaan lagu dilay Gaalkacyo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan maalgelinta Dad weynaha ee UNFPA ayaa lagu cambaareeyay tacaddiyadii loo geysta Caa’isha Ilyaas Aaden, oo ahayd 12 Jir dhowaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026

Hay’adda ayaa sheegtay in ay si weyn ugu damqadeen Gabadhaasi yar oo la kufsaday si naxariis darro ahna loo dilay ka dib markii laga afduubtay Gurigooda oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo.

Hay’adda Caalamiga ah ee UNFPA ayaa iyada oo gudaneysa mas’uuliyadda ka saaran xakamaynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha waxay cambaareyn xooggan Dusha uga tuurtay falka waxashnimada ah ee lagula kacay Caa’isha yar.

Falalka ku salaysan Jinsiga ee lagula kaca Haweenka ayay ku tilmaantay in uu yahay mid xad-gudub daran ku ah xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha taas oo ay tusaale xun u tahay dilka iyo kufsiga lagula kacay Caa’isha yar ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay UNFPA.

“UNFPA waxay Garab taagan tahay Qoyska Caa’isha waxayna si buuxda u taageeraysaaaa Bulshooyinka iyo Dadka u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka shaqaaqooyinka ku salaysan jinsiga iyo xuquuqda Haweenka iyo midda aadanaha ee Soomaaliya” ayaa sidoo kale lagu yiro Qoraalka.

Hay’adda UNFPA ayaa ugu dambayn ku baaqday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dilka Caa’isha iyo in Puntland laga hirgeliyo xeerka dembiyada galmada.

Waxanay ku baaqday in Maanta iyo mar kastaba loo istaagno dhowrista xuquuqda Aadanaha amniga iyo ilaalinta sharafta Haweenka meel kasta oo ay joogaan.

Isha/reliefweb

Previous Post

Golaha Wasiirrada K/Galbeed oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay

Next Post

Dowlada Soomaaliya oo Amisom kala wareegtay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho’’Sawirro’’

Next Post
Dowlada Soomaaliya oo Amisom kala wareegtay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho’’Sawirro’’

Dowlada Soomaaliya oo Amisom kala wareegtay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho’’Sawirro’’

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In